Site icon Qaamuus

jawaabta

shinbir
(m.dh)

ld shimbir².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shinbir

gabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Socod cag culus oo aad mooddo in qofka tallaabsigu dhibayo. 2. Dabin qaab saab leh oo shinbiraha lagu dabo.

hobbobboro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa. ld hoonbaro.

kabarray [m.dh]
Nooc shinbiraha ka mid ah oo aan duulimaad badneyn, abuurka beertana la baxda. Midab bey ah leh oo hilibkeeda la cuno. ld barakadley.

shimbir [m.dh] (-ro, m.l)
1. Qayb ka mid ah lafdhabarleyda, oo ugax dhasha, oo dhiig kulul, baalal leh oo duusha. 2. Shimbir meel dhexaad ah, midab qurxoon oo xasharaadka cuna. ld shinbir.

xidinxiito [m.dh]
1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. ld xiidxiito, xiito.

xiid [m.l]
1. Shinbir xidinxiitada u eg, kana weyn. 2. Xidinxiitada keeda lab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version