Site icon Qaamuus

jawaabta

shirix
(m.l) (-xyo, m.dh)

Lafo yaryar oo dhuux leh, kuna jira lugaha dadka iyo xoolaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shirix

baraashirix [m.l]
Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan..

korshirix [m.l]
1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.

shiraanshirix [m.l] (-xyo, m.dh)
Lafo yaryar oo carjaw ah oo kala goysyada addimada iyo cumaacumta cagta ku yaal.

shir [m.l] (-rar, m.l)
1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.

shir [m.dh]
Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.

shir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dhee-lid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version