shirkad
(m.dh) (-do, m.l)1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shirkad ↴
saami [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹
arji [m.l]
(araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iwm oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
caymis [m.l]
1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
guddi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-iyo, m.dh)
1. Dad loo xilsaaray inay ka arrimiyaan xaajo doodi ka taagantahay. 2. Dad loo xilsaaray inay socodsiiyaan maamul dawladeed, shirkadeed iwm.
sharikad [m.dh]
ld shirkad.
shirko [m.dh]
ld shirkad.
xisaabiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof maamula lacag hay'ad dawladeed, shirkadeed, wakaaladeed ama mashruuc.