Site icon Qaamuus

jawaabta

shisheeye
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shisheeye

aayakatashi [m.l]
(siyaa.) Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.

ajnebi [m.l]
Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.

dalkujoog [m.l] (-gyo, m.dh)
Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.

dibad [m.dh]
1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. ld dibed.

diblomaasi [m.l] (-iyiin, m.dh)
Hawlwadeen siyaasi ah oo ugu qaybsan dalkiisa xiriir dalal shisheeye.

diin-fidiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.

fogee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
1. Cid ama wax meel durugsan geyn. 2. Cid shisheeyenimo ula dhaqmid.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

qurbe [m.l]
Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iwm; dal shisheeye. ld qurbo.

shishee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-sheeyay, -shaysay)
Wax durugsan noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version