shito
(m.dh) (-ooyin, m.l)Siil.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shito ↴
xaabee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
Qoryo la shito ururin.
udgoon [m.l]
1. Ur la jeclaysto oo carfoon.
2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo
carfoon; udug. udug, carfoon
idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin
jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
udug [m.l]
1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo.
ciddi [m.dh] (-iyo ml.)
1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.
cuud [m.l]
1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.
dabqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.
damal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.
dhamal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-llo, m.dh)
Jirrid weyn, qallalan oo la shito.