shuban
(m.l)Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban
(m.l)(daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
shuban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shuban ↴
aabbur [m.l] (-rro, m.dh)
Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.
aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.
aagaan [m.l] (-nno, m.l/dh)
Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.
daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca
dhasha xoolaha markay dambar badan
nuugaan. 2. ld doog². doog
caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
ban [m.dh]
Saxarro jilicsan; shuban.
bawaasiir [m.dh] (-rro, m.dh)
(daaw.) Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa waxa keena calool joogsi muddo dheer socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir, baawasiir.
beerxaw [m.dh]
Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.
shub [m.l]
1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid.
shub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.