shuush
(m.l)1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shuush ↴
naashuusho [m.dh]
ld naakirad.
baxshuush [m.dh]
Bacaw.
baxshuushsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax baxshuush hayo ahaansho.
baxshuushsanaan [m.f.dh]
eeg baxshuushsan. ld baxshuushsanaansho.
baxshuushsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld baxshuushsanaan.
shuuqshuuq [m.dh]
Kadafka qaarkiis oo raxa-raxan u socda. ld shuushuunle, shuuq-shuuqle.
shuushaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. ld shuushi.
shuushaamin [m.f.dh]
eeg shuushaami. ld shuushaamis, shuushin.
shuushaamis [m.l]
ld shuushaamin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg