sibir
(m.l)1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
sibir
(m.dh) (-bro, m.l)1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sibir ↴
dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
gariirshe [m.l]
Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulma.
marmar [m.l]
1. Murqaha luqunta, tun. 2. Dhagax midabbo badan leh oo derbiyada ama sibirka guryaha lagu qurxisto. 3. ld marmarid.
sibirayn [m.f.dh]
eeg sibiree.
sibiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.
teenis [m.l]
Cayaar laba qof ama ka badan ku tartamaan iyaga oo laba kooxood isaga soo horjeeda oo ku cayaaraya garoon sibir ah oo leh shabag dhexda ah iyo kubbad abuu-cudbi ah.