Site icon Qaamuus

jawaabta

siki
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax in yar durkin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siki

durki [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel yiil sikin. 2. Wax fogeyn. ld durgi, durji, durqi.

durugso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax meel yaal sikisasho.

fiisikis [m.l]
ld fiisiko.

fisikis [m.l]
ld fiisiko.

metafisikis [m.l]
(fals.) Qeyb ka mid ah barashada falsafadda ee la xiriirta aragtiya wixii jira, iyo sidii aan ku aqoon lahayn in uu jiro.

sakiin [m.dh] (-no, m.l)
Bir yar oo xalleefsan labada dhinacna af ku leh oo timaha lagu xiiro. ld sikiin.

sakiiro [m.l]
1. Iin lugaha dadka gasha oo jilbaha isu soo dhoweysa. 2. Nabar ka dhasha shafka iyo jeeniga geelu markay is xoqaan. ld sakiir, sikiir, sikiiro.

sikiin [m.dh]
ld sakiin.

sikiir [m.dh]
ld sakiiro.

si [m.dh] (-iyaabo/-iyaalo, m.l)
1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version