siko
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-kaday, -katay)In yar durkid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siko ↴
fiisiko [m.dh]
Barashada xeerarka suga dhismaha uunka marka loo eego maatarka iyo tamarta ee ay ka koobantahay. Caado ahaan, barashada waxa loo qaybin jirey qaybo: kul, ileys, jabaq, danab iyo birlabnimo, iyo mekaaniko. ld fiisika, fiisikis, fisika, fisikis, fisiko.
fisiko [m.dh]
ld fiisiko.
jiyoofisiko [m.dh]
Barashada dariiqadaha fisikeed ee la xiriira dhismaha dhulka. Barashadaasi waa mid la xiriirta oogada dhulka, gibilka, iyo biyooleyda.
sikasho [m.f.dh]
eeg siko.
tayrotogsikoosis [m.l]
(daaw.) Xaaladda cudureed oo ay keento hormooniska qanjirka taayroodka oo si dheeraad ah oo aan caadi ahayn ugu jira dhiigga, taasu waxay keentaa wadne garaac dhakhso badan, dhidid, gariir, kacsanan maskaxda, cunno badni, culeyska oo is dhima, u dulqaadasho la'aan kulka.
si [m.dh] (-iyaabo/-iyaalo, m.l)
1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.