silig
(m.l)Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh silig ↴
taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
waayir [m.l] (-rro, m.dh)
Xarig macdan ah; silig.
cirfiidad [m.dh]
Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
kelbed [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. ld kalbad.
maggarafoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. ld maggaroofan.
reyte [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Silig shaqab ah oo sariiraha lagu sameeyo. 2. Miro kuuskuusan oo miraha gobka ka yara weyn leh midab madow oo dharka lagu dhaqan jiray.
shabag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Daliigyo silig ama caag ah oo sida shabaagta u samaysan oo dhowraarin loogu talaggalo. 2. Nooc kabaha ka mid ah oo ka samaysan maas ama rabar. ld shabaq, shabaag.
shareero [m.dh] (-ooyin, ml.)
(muus.) Qalab muusikada lagu tumo oo xargo yaryar oo silig ah leh oo sida kitaaradda looga dhawaajiyo.
siligle [m.l]
Hab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay; sulsul.