silloon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax dhaqan iyo dabci aan fiicnayn leh ahaansho. ld sillan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh silloon ↴
abyan [m.l]
1. Garasho ama dareen, wax silloon ama lala yaabo, ay dhaliyaan; amakaag; ashqaraar. 2. ld abyamid.
basal [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
eynaad [m.l]
(bot.) Geed leh caleemo yaryar, qodxo gaagaaban, ur silloon iyo asal guduudan; tarraxo. ld eynood.
maddooyaa [m.l]
Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
qabayaro [m.dh]
Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qaboyaro [m.dh]
(bot.) Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhecaan cad oo caanaha u eg oo haddii dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
sillan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld silloon.
sillanaan [m.dh]
ld silloonaan.
sillanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld silloonaan.