Site icon Qaamuus

jawaabta

sir
(m.dh)

(asraar, m.dh) 1. Wax qarsoodi ah oo aan dadku wada ogayn. 2. Dhagar; khayaamo.

sir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Cid khiyaamayn.
Sir-dusiye*

Waa shaqsi u shaqeeya dawlad ama shirkad ee u soo dusiya dadweeynaha ama madax sare xog xasaasi ah ee la xariirta arrin dhacday sida musuq ama talaabo qaldan. English: Whistleblower 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sir

jaasuus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².

saadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax siraadsasho; saraadasha; wax xun isu saa-din.

yasir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.

yasirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yasir.

afbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, xday; -bixi)
U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.

afjig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin.

aragti-isir [m.dh] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.

asraar [m.dh]
1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.

baare [m.l] (-rayaal m.l/dh)
Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.

basaas [m.dh] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.

s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version