sisin
(m.dh)1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sisin ↴
maankaal [m.l]
Gufurka ka soo baxa sisinta marka la shiido, oo xooluhu cunaan. ld maakaal.
boobe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
cambuul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iwm ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. ld abbuul, ambuul, cabbuul.
dhisaal [m.l]
Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan.
dhisaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Xirmooyin, dhis, sisin, iwm. meel ku ururin.
dhisaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iwm).
macsarad [m.dh] (-do, m.l)
Saliid cunto oo laga helo miraha geedka sisinta marka la shiido. ld macsaro (2).
macsaro [m.dh]
1. Saliid m. ah: saliid sisin lagu sameeyay. 2. ld macsarad.