siyaaso
(m.dh)ld siyaasad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaaso ↴
naadi [m.l] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
kacaan [m.l]
1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid.
siyaasad [m.dh] (-do, m.l)
1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso.
xukun-la'aan [m.dh]
1. (siyaa.) Dawlad la'aan. 2. (siyaa.) Dhaqdhaqaaq siyaaso-bulshadeed oo aaminsan in qaranku uu ku dhisnaado xuriyadda iyo madaxbannanidda qofka.