socodsiin
(m.f.dh)eeg socodsii.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh socodsiin ↴
baqooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley, duhur socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
dhalandhooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qorrax kulul ku socodsiin.
dhaqaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
gaardisii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid gaardi ku socodsiin.
hitiqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
jarmaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax aroor hore socodsiin; kallihin. ld jermaadi.
luudi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
mari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
marsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Cid arrin si khasab ah ku oggoleysiin. 2. Wax kale dul marin (wax). 3. Wax meel ku dul socodsiin. 4. Arrin cid kale ogaysiin (gob). 5. Arrin, warqad iwm meel geyn si ay meeshaasi u sii gudbiso (qof).
qulquli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubid. 2. Dad xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socodsiin.