Site icon Qaamuus

jawaabta

soocid
(m.f.dh)

eeg sooc.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soocid

baadisoocid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baadisooc². baadisooc

abla'ablayn [m.dh] (-no, m.dh)
Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.

bir-u-eke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.

borotista [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Boqortooyo koobaysa kala soocidda noolayaasha sahlan ee bayoolajiyeed. Waxa ka mid ah aljiga, fangiga, bakteeriyada iyo borotosoowaha.

carrab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.

danab-soocid [m.dh]
Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.

dhexsoocid [m.f.dh]
eeg dhexsooc.

dir [m.l] (-rar, m.l)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.

duul [m.l]
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.

faylam [m.l] (-yo, m.dh)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolaha kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku dhow oo dir. Faylamka waxa ka mid ah borotosoowa, borifera, nimatoodha, artaroboodho, moolaska iyo koordhaata.

sooc [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
S. ah: wax xul ah.

sooc [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
1. Wax intooda fiican la bixid. 2. Kala s.: wax isku jira noocyadooda kala saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version