soodha
(m.dh)(kiim.) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soodha ↴
cirkasoodhac [m.l]
1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.
cirsoodhac [m.l] (-cyo, m.dh)
(c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac.
koostik-soodha [m.dh]
(kiim.) (Naatriyan haydarogsaydh). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
soodhac []
eeg soo-dhac.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg