soome
(m.l)ld soomaggale.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soome ↴
doorsoome [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(xis.) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
doorsoome-ku-xiran [m.l]
(xis.) Haddii y ay tahay fansaarka x, taas oo, haddii fansaarka hal qiime oo y ah uu ku aadayo qiime kasta oo x ah, markaa ay waa doorsoome ku xiran.
doorsoome-madaxbannaan [m.l] (-mayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Isleeqta y = f(x), doorsoomaha la geshaha ah ee x.
madoorsoome [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
1. (xis.) nambar aan isbeddelin. 2. (fiis.) xiriirka ka dhexeeya laba xaddi ama ka badan tiro go'an oo aan isbeddelin ka soo baxdo isu qaybintooda ama isku dhufashadooda (X=c=4=4x2) b 2 2x2.
madoorsoome-neef [m.l] (-mayaal ..., m.l/dh)
(fiis.) Madoorsoomaha ku jira isle'egta neefta caalamiga ah (eeg heerarka neefta). Waxa uu leeyahay qiimaha 8.31434 JK -1 mol -1.
soomaggale [m.l]
Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. ld soome, soone.
wancad [m.l]
Geed dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome; soomaggale.
soo [fk.we]
ld sow.
soo [qr.fk]
1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tus. “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tus. “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”.