soonqaad
(m.l)Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soonqaad ↴
affur [m.l]
1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. ld affurid.
gasayar [m.dh]
Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaa.
shacbaan [m.dh]
Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
shawaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.
soon [m.l]
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.
soondheere [m.l]
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
soonfur [m.dh]
Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.
suxuur [m.dh]
Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhow-yahay; hiraab.