tamar socod
(m.dh)Summad: Ek. Tamarta ay walaxi ku kasbatay socodka ay ku jirto, le'egna hawsha ay qaban karto, marka walaxda la joojiyo. Waxaa lagu helaa isle'egtan. Ek = 1/2 mv2, taasoo m-ay tahay cufka walaxda; v-ay tahay xawaaraha walaxda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tamar socod ↴
kulgudbin [m.dh]
(fiis.) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
motoor [m.l] (-rro, m.dh)
Qalab qaab tamareed sida, tamar danab u beddela tamar socod. ld matoor.
saxarka Alfa [m.l] (-rada ..., m.dh)
(kiim.) Bu'da heliyam oo ay bixisay bu'weyn oo uu ku dhaca mataatax kaahfaleed. S. a. ma laha tamar socod badan, waxaana markiiba nuugta hawada.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg