taran
(m.l)ld tarmid.
taran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taran ↴
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
ubuc [m.dh] (-cyo, m.l)
Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”
kaadi-taran [m.l] (-no, m.dh)
Organ wada qaba habdhisyada taranka iyo kaadi mareenka.
laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”.
oosayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(baay.) Unug taran laga helo ugxansidaha xilliga oojiniisiska. Waxay ka timaadaa korriinka oogooniyamka.
rabbadh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Walax taran badan oo laastiig ah oo macmal ama dabiici ah.
ugax [m.dh]
(ugxanno, m.dh) (baay.) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.
ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.
tar [m.l]
1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. ld tarid.
tar [m.dh]
1. Magac xiddig; afqays. 2. Bow-do.
tar [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin.