tashiilid
(m.f.dh)ld tashiil².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tashiilid ↴
barakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.
beekhaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax tashiilid. 2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.
beekhaan [m.l]
1. Badashada ay badato cunno la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo. 4. ld beekhaamid.
dhabiil [m.dh]
1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.
dhabiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.
dhaqaalayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Si dhaqaale ah u maamulasho. 2. Wax tashiilid.
dhaqaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid.
marxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax tashiilid. 2. Hilib marax ka dhigid.
mi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tashiilid.
tashiil [m.l]
Sahay ama wax kale oo la dhaqaaleeyo si ayan durba u dhammaan; maradhaaro; dhaqaale.
tashiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
Wax dhaqaalayn; beekhamayn.