Site icon Qaamuus

jawaabta

tibaax
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-xyo, m.dh)

1. War aan xaqiiqdiisa la hubin. 2. Qaabka xisaabta aljebriga. 3. ld tibaaxid.

tibaax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

Wax u malayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tibaax

addin [m.l] (-imo, m.dh)
1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.

aragti-haraa [m.dh] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.

aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan [m.l]
(xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).

baraamitir [m.l] (-yo, m.dh)
(fiis.) Madoorsoome ama doorsoome kala saaraya xaalado gaar ahaaneed ee tibaax guud ee xisaabeed.

dareerin [m.dh] (xis.)
Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).

dhufsane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.

faraq [m.l]
(xis.) Inta ay laba xaddi is-dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. ld farqi.

garaam-isudhigan [m.l] (-mmo ..., m.l)
(xis.) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamy.

huur-u-eegid [m.dh]
(fiis.) Saamiga u dhexeeya xaddiga dhabta ah ee uumibiyooodka ku jira mug lagu siiyay ee hawada ah iyo xaddiga ku jiri lahaa iyadoo heerkulku isku midyahay, badanaa waxaa lagu tibaaxaa boqolley.

isle'eg [m.dh] (-gyo, m.dh)
(xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version