Site icon Qaamuus

jawaabta

tiiro
(m.dh)

1. (xis.) Xagasha ay xarriiqi la sammeyso dhidibka-x. 2. (xis.) Tiirada xarriiq marta baraha (x,y) iyo x2,y2) waa tiirada (y2-y1)/(x2-x1). 3. (xis.) Tiirada xood halkabar B waa tiirada xarriiqda taabtaha ah ee xoodka halka barta B.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiiro

biyodhac [m.l] (-cyo, m.dh)
(jool.) Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.

dalcad [m.dh] (-do, m.l)
Taag; tiiro.

dooxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(juqr.) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.

qodaal buureed [m.l] (-dyo, m.dh)
Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

qow-weyn [m.dh]
(juqr.) Bohol weyn oo hoos u qodan oo leh dhinacyo dhadhaabeed oo tiiro toosan leh. Waxaa badanaa sameeya tog mara dhul oomane ah o gooya dhadhaabaha jilicsan.

tiiro-qaaradeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.

tii [mu.ac.dh]
kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo dheddig ah oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Waxaan arkay tii qortay buuggan?”.

tii [q.dh] (-tii)
Qodobka 'ta'oo noqda 'tii'kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tus. “Aaway baastadii aad karisay?”.

tii [dk.lh.dh] (-tii)
ld tiisa².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version