tijaabo
(m.dh)ld jitaabo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tijaabo ↴
imtixaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Imtixaan lagu tijaabo cid aqoonta. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda. ld intixaan, itixaan.
intihayn [m.dh]
1. Tijaabo. 2. ld intihin.
jirrab [m.l]
1. Dhibaato badan. 2. J. ah: meel maritaankeedu dhib yahay. 3. J. ah: qof dhiblow ah. 4. Tijaabo. 5. ld jirrabid.
jitaabin [m.f.dh]
eeg jitaabi. ld jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
mujarrab [m.l] (-byo/-biin, m.dh)
Qof tijaabooyin badan waayo-aragnimo ku kasbaday.
sharrib [m.l]
Jarrib; tijaabo; holis; baxnaanis. ld shirrab¹.
shaybaar [m.l] (-rro, m.dh)
Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
tijaabogal [m.l]
Waxay ku qotantaa ama ku abbaaran tahay fiirsasho iyo tijaabo aan ahayn aragti.