timaaddo
(m.dh)Wax mustaqbalka dhici doona.
timaaddo
(m.dh)(nax.) Ammin faleed tilmaama fal aan weli dhicin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh timaaddo ↴
caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl
yeer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U y.: cid u dhawaaqid si ay u timaaddo. 2. Nafley dha-waaqid.
bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
dabaylwac [m.l]
Dhanka dabayshu ka timaaddo.
istijoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
laba-iyo-tobanle [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
magaag [m.l]
1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. ld magaagid.