tiraab
(m.l)1. Erey, hadal ama dhawaaq afka ka soo baxay. 2. ld tiraabid.
tiraab
(m.l)(nax.) Hadal aan qornayn (eeg af tiraab).
tiraab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)Hadlid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiraab ↴
af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
dheh [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1]
(yiri, tiri/dhahay, dhahday; dhihi) Wax ku tiraabid; sheegid.
dhigaal [m.l]
(nax.) Habkastoo diiwaangeliya hawraar tiraab ah iyadoo la adeegsanayo qoraal.
juuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Hadal yar oo kooban ku tiraabid.
suugaan [m.dh]
1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.
tiraabid [m.f.dh]
eeg tiraab³. ld tiraab¹ (2).
weeye [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tus. “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. ld waaye, weeyaan.