Site icon Qaamuus

jawaabta

tiro maangal
(m.dh)

(xis.) Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiro maangal

qiimaha sugan ee tiro maangal ah [m.l]
(xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6.

tiro lakab [m.dh]
(xis.) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').

tirooyinka lakab la' [m.l]
(xis.) Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. Tirooyinka lakabka la'waa akoobane, jajab tobanle aan soo noqnoqon.

xidid [m.l] (-do, m.l)
(xis.) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version