Site icon Qaamuus

jawaabta

tooda
(mu.lh.dh)

(kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Tooda u yeel!”.

tooda
(dk.lh.dh) (-tooda)

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Nimankaas beertooda ayaa miro badan leh”. ld tood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tooda

raadka footoodanabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka, birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.

gasayar [m.dh]
Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaa.

kuwooda [mu.lh.w]
eeg kooda¹ / tooda¹.

listan [m.l]
Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.

shacbaan [m.dh]
Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.

shawaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.

soon [m.l]
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.

soondheere [m.l]
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.

soonfur [m.dh]
Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.

soonqaad [m.l]
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.

too [mu.ac.dh]
kuwo, w 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaama. 2. ld mid. Tus. “Roob iyo barwaaqo toona ma arag”.

Too [mu.ti.dh]
Mgacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version