toon
(m.l)1. Miro is qabsaday oo dhuuban. 2. Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota.
toon
(m.l)(nax.) Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah.
toon
(m.dh)1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toon ↴
aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar
kaadiraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaaftoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
Ka k.: wax ka maarmid.
aysootoonik [m.l] (-kyo, m.dh)
(baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.
balaanktoon [m.l]
(c.nafl.) Kan ugu yar dhiska sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u ah kalluunka badda iyo abuur kale.
bejiyo [m.dh]
Digir la shiiday basbaas, toon iyo basal lagu daray oo la dubay. ld bejiye.
biyantooni [m.l] (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh)
Nin shaqo-hoosaad ka qabta xafiisyada oo munshaar ku qaata. ld biyatooni.
biyantooniyad [m.dh]
ld biyatooniyad.
biyatooni [m.l] (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh)
ld biyantooni.