udgoon
(m.l)1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug. udug, carfoon
udgoon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax ur la jecleysto leh ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh udgoon ↴
saabbuuncadar [m.dh]
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
udgi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax caraf u yeelid. ld udgoonee. udgoonee
udgin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg udgi. ld udgoonayn. udgi, udgoonayn
udgoonaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg udgoon². ld udgoonaansho. udgoon, udgoonaansho
udgoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld udgoonaan. udgoonaan
udgoonayn [m.dh]
ld udgin. udgin
udgoonee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
ld udgi. udgi
udgoonsad [m.l]
ld udgoonsasho. udgoonsasho
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg