ummul
(m.dh) (-lo, m.l)Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ulay, -ushay)Ilmo uur ku jiray dhalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ummul ↴
ummuladdoox [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.
ummulbax [m.l]
Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.
ummulbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.
ummulbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummulbax².
ummulbixin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummulbixi.
ummuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo ka dhalin.
ummulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummul².