waar
(m.l) (-rar, m.l)Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914, mitir.
waar
(u.j)ld waryaa.
waar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waar ↴
waalid [m.l] (-diin, m.dh)
Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.
waaran [m.l] (-nno, m.dh)
1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.
waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
waardiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof xafiis, guri iwm ilaaliya; ilaaliye.
waari [m.l]
Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex.
waari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Waar ku cabbirid. 2. Wax waaro ka dhigid.
waarid [m.l]
ld waalid¹.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg