wareeji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareeji ↴
maageer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhagax iwm ku meel ood, meel ku wareejin. ld meegaar², weegar², waageer².
maageeran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Ku m.: ood dhagax, iwm wax meel lagu wareejiyey ahaansho. ld maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran,
maageero [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Meel ood dhagax iwm ku wareejisasho. ld meegaaro, waageero, weegaaro.
saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
abqaad [m.l] (-do, m.l)
(baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.
bannee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).
beddel [m.l]
1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
borojekshan-koombeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Khariidad la soo saaro marka warqad koombo oo kale u samaysan lagu wareejiyo galoobka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa koombada dusheeda, dabadeedna koombada waa la kala fidiyaa..
borojekshan-toobineed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Khariidad la sameeyo marka galoobka lagu wareejiyo warqad toobin oo kale u samaysan. Figta toobinku way ka sarraysaa cidhifka dhulka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa toobinka dushiisa, dabadeedna toobinka ayaa la kala fidiyaa.
bowd [m.l] (-dad, m.l)
Xeyndaab ood ah oo beerta, guriga, xerada xoolaha lagu wareejiyo, deyd.
waree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Cid ama wax danayn.