Site icon Qaamuus

jawaabta

warshad
(m.dh) (-do, m.l)

Dhis makiinado waaweyn yaalliin oo alaabta ceeriin lagu farsameeyo. ld wershad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh warshad

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

bandhig [m.l]
1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.

carwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.

cunaabi [m.l] (-iyo, m.l)
Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan.

dalalka horumaray [m.l]
Waddamadda horumarka ka sameeya dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada iyo teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo heerka nolosha qofka, iyo bulshada.

dalalka soo koraya [m.l]
Waddamadda aan weli horumar ka samayn dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada, teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha heerka nolosha qofka iyo bulshada.

dhaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.

dharsameeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh/-mayso, m.dh)
Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe.

hantigoosad-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version