Site icon Qaamuus

jawaabta

wasaarad
(m.dh) (-do, m.l)

Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wasaarad

agaasime [m.l] (-mayaal, m.l)
1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.

agaasin [m.l]
1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.

wakaalad [m.dh] (-do, m.l)
1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.

wasaaro [m.dh]
ld wasaarad.

wasiir [m.l] (-rro, m.dh)
Qof wasaarad u madax ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version