waxar
(m.l) (-ro, m.l)Orgiga yar.
waxar
(m.dh) (-ro, m.l)Dhasha riyaha tooda yar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxar ↴
qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
abguri [m.dh]
Abeeso aad u weyn oo waxaraha, bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
amiir [m.l]
1. Waxaruhu marka ay ka go'aan naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan; aaran. 2. ld ammiir.
bakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.
birimbirqo [m.dh]
Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.
dhamiijo [m.dh]
Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.
dherersimo [m.dh]
Qoolka waxaraha.
haragwaxar [m.l] (-rro, m.dh)
Maqaarka waxaraha oo inta la qalajiyey laysku tolay, oo gogol ahaan loo isticmaalo.
hoosin [m.dh]
Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
kodho [m.dh]
Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
wax [m.l] (-xyaalo/-xyaabo, m.l)
1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.