waxayn
(m.f.dh)eeg waxee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxayn ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
yabaro [m.dh]
Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
borojekshan-sargo'an [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.
boronkiito [m.dh]
(daaw.) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.
cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
cuncun [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
deriskunnool [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
dhiigyari-daran [m.dh]
(daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka Dh.dad. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.
waxa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld waxaa.