weyn
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd; waaweyn)1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iwm ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.
Harweyn*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
waa marka xoolaha guran ee aan irmaaneyn laguraaan rag kaliya een wadan hoy ama aqal
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyn ↴
aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro
oo cid lagula muujiyo.
aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
aaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
oday [m.l] (-yaal, m.l/dh)
1. Nin da' weyn; duq;waayeel. 2. Nin waxgarad ah ama xil qaadi kara, mas'uul; xilkas. duq, waayeel, masuul, xilkas
baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id
faa [m.dh (c.nafl.)]
Shimbir yar oo dhoor iyo daba dheer leh oo qoollayda in yar ka weyn.
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
saabbilaash [m.l]
Saab weyn oo alaabta lagu rito. saab
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.