xaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaaq ↴
xaaqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaq.
xaaqin [m.l] (-nno, m.dh)
Mafiiq, minfiiq.
xaaqsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaqso.
xaaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Xaako tufid.
xaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax xaaqid.
dhulfiiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
fiiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid.
fiiqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho.
khashin [m.l]
Wax walba oo wasakh, haraa cunto, iwm ah ee la iska xaaqo lagana fogeeyo degaan lagu nool yahay. ld qashin.