xardhan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax xarar loo yeelay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xardhan ↴
maamuusiyad [m.dh] (-do, ml.)
Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.
baalleybarro [m.dh]
Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
baalquraanle [m.l]
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
balac [m.dh] (-cyo, m.dh)
Dugaagad ballaaran, xardhan oo macdan ka samaysanoo haweenka ku xarragoodaan.
balambaallis [m.dh]
Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.
billaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iwm ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.
dabaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
dabaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq.
firin [m.l] (-nno, m.dh)
Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. ld fire.
toorrey [m.dh] (-yo, m.l)
Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. ld toorri.