xargag
(m.l)1. Wax biyabbiyo ah, sida dhiigga, is-qabsadkooda. 2. Wax caato darteed, la engega, isku soohma. 3. Kawrax; engeg. ld hargag¹, xarkag¹.
xargag
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)Subag, dhiig iwm wax fadhiya ama adag noqosho. ld hargag², xarkag².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xargag ↴
dareerka dhiigga [m.l] (c.nafl)
Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.
golobuliin [m.l]
(c.nafl.) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iwm. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
hargag [m.l]
ld xargag¹.
hargag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
ld xargag².
hargagid [m.dh]
ld xargagid.
xargagid [m.f.dh]
eeg xargag². ld hargagid, xarkagid.
xargagid [m.dh]
(fiis.) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
xargagoosasho [m.f.dh]
eeg xargagooso.