xariir
(m.l)Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
xariir
(m.dh)Lafdhabar; arxan. ld xiriir².
xariir
(m.dh)1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xariir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)ld xiriir³ (3).
xariir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Barxid (caano). ld xariiri.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xariir ↴
saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
bilcooshaan [m.dh]
Nooc ka mid ah maryaha xariirta ah.
cinjirrageed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
cureeji [m.dh]
Guntiino xariir ah oo haweenku qaataan.
dabaggeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
dhar [m.l]
1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.
diirdiir-xariireed [m.dh]
Nooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
dun [m.dh] (-umo, m.l)
Liilimo laga soohay cudbi, dhogor, xariir iwm oo laga sameeyo dharka, meeshii ka dillaacdana lagaga tolo.
faje [m.l]
(daaw.) Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. ld fajo, fujo.