xasaasi
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xasaasi ↴
ureed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
ratiina [m.l]
(c.nafl.) Xuub xasaasi u ah ilayska oo ku dhereran gudaha hore ee isha. Retiinuhu wuxuu ka koobanyahay laba lakab. Lakabka hoose, wuxuu ka koobanyahay unugyo dareenwade, dhuu-mo dhiig iyo laba nooc oo unugyo xasaasi u ah ilayska. Lakabka sare wuu midabay-sanyahay, kaas oo ka hortagga ilays noqod-ka dambe ee ilayska.
rodh [m.l] (-dhyo, m.l)
(c.nafl.) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.
toobin [m.l]
1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa.