Site icon Qaamuus

jawaabta

xasilid
(m.f.dh)

eeg xasil².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xasilid

cagadhigo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.

deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.

miyirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Suuxdin ama wax kale oo caqliga dooriya kaddib miyir yeelasho. 2. Qof dhallinyaro ah oo fudud xasilid. 3. Qof sarkhaanay saaxi naqosho. ld miirso.

xasil [m.l]
Aayar; miyir; tartiib.

xasil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
1. Arrin iwm wax deggan noqosho. 2. Xoolo wax aayar u socda ama u daaqaya noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version