Site icon Qaamuus

jawaabta

xasillooni
(m.dh)

ld xasillanaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xasillooni

yoolyool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato no-qosho.

alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.

arbush [m.l]
1. Xaalad xasillooni la'aaneed ee cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld arbushid.

arbush [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Cid xasillooni la'aan badid.

baanji [m.l]
Baaris aan xasillooni iyo nidaam lahayn. ld baanjiyid.

baqdin [m.dh]
Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.

fadqalallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qasidda meel xasilloonideeda iyo nabaddeeda la qaso; arbushid; rabsho.

kacdoon [m.l]
(taar.) Bannanbax lama filaan u dhaca ay la socoto xasillooni daro laguna diiddanyahay siyaasad dal laguna doonayo isbeddel siyaasadeed.

kadaalli [m.l]
Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasillooni la'aan awgeed.

khalkhal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Kh. ah: xasillooni darro qof ku dhacda cabsi, farax, naxdin iwm awgood. 2. Kh. ah: qalab xubno badan ka kooban oo adkaantii iyo is-haysashadii ka ba'do; kharraab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version