Site icon Qaamuus

jawaabta

xididshe
(m.l) (-shayaal, m.l/dh)

(kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soo-cani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xididshe

dabar-ayoon [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.

kala-furan [m.l]
(kiim.) Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version