xig
(m.l)Xaskul.
xig
(m.dh)1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca.
xig
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)1. Wax, wax kale u dhowaansho. 2. Xiriir qaraabanimo yeelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xig ↴
baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka
saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
laaxig [m.l]
Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
maajeen [m.l]
Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.
maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
oraah [m.dh] (-ho, m.l)
1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.
x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee
alifka soomaalida, waana shibbane.