xigsin
(m.dh)ld xiskin¹.
xigsin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-imay, -intay; -imi)ld xiskin².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xigsin ↴
wadar-xigsineed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Wadar xigsineedka fansaar ee dhawr doorsoome, f(x1, x2, x3,...) waa fansaarka ku siinaya wadarta tibxaha (df/dx2) dxi taas oo i ay u dhexayso 1 ilaa n.
abyin [m.l] (-nno, m.dh)
(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan [m.l]
(xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).
diirane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .
heer-diirane [m.l]
(xis.) Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
her-isle'eg-xigsineed [m.l] (-rar ..., m.l)
(xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
isle'eg dhab ah [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.
isle'eg-xigsineed ee heerka-labaad [m.dh] (-gyo .., m.dh)
(xis.) Isle'eg xigsineed oo ku jira diirane heerka labaad ah dy2/dx2. Ama jiro diirane ka sarreeya heerkan.
kalkulas [m.dh]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto xigidda iyo abyinaynta fansaarada iyo mawaadiicda la xiriira. Waxaana loo qaybiyaa kalkulas abyineed iyo kalkulas xigsinayd.
kalkulas-abyineed [m.dh]
(xis.) Qayb ka mid ah kalkulaska ee lagu barto abyinaynta iyo adeegsigiisa. Waxa lagu dabaqaa raadinta bededka, mugagga, dhererrada xoodka ama furfurista xigsineed.